Message 1

dadka soomaaliyeed waxay ahaan jireendad sharaftu la weny tahay sumcadoodana sumcadoodana aad u ilaashada ninkii bulshadiisa ama beeshiisa ama qabaailkooda falal fool xumo ku ah oo diinta iyo dhaqanka qilaafsan ku kaca xiliga colaadaha iyo dhibaatooyinku jiraan wuxuu marka danbe noqon jiray mid cabaareysan oo bulshada ka takooran sida xigmadaan ku cad  gob geed ma gooyso hadey goysana gunta  kama jarto

Message2

ninka maatidiisa la laayo waxay ku ahaan jirtay arin usanabitkiis ka sabrin nabadna ka qaadan sidaa daraadeed  maati leyntu waxayna keeni jirtay colaad aan harin iyo godab aan sidoo kale  la ilaawin sida ku cad oraahdan  maato la laayo maalo reebtay

Message 3

diinta islaamka waxay bani aadamka u aqoonsantahay in alle karaameeyay oouu ka fadilay dhamaan noolaha uu abuwuxuu ku baaqayaa in wuxuu ku baaqayaa inuray  sida ku cad  ayada afaraad ee suuratul al tiin  alle ayaa yiri xaqiiqdii waan abuuray  dadka abuuris tan ugu wanaagsan  sidoo kalre bulshooy ogaada  uma banaanain qof muslim ah doilo qof kale  si kama ah mooyee

 Message 4

dhaamwa bukaanka iyo waliba kuwa la taagdaran jiro ama da.a iyo hooyooyinka uurka leh waa in sii gaara loo ilaaliyo  loona xurmeeyo . sharciga islaamka  waxa uu reebayaa in la dilo  dadka waayeelka ah haweenka  iyo caruurta n c sw ayaa sidaa yiri sida uu sheegay  i qaliifkii islaamka  sayid cumar binu qadaab  waxa uu marar badan ku celceliyay  hadilina kuwa dada ah  haweenka  caruurta  xiliyada dagaalada yar yari jiraan sidoo kalana yaan la dilin kuwa farda ku duulkaku  duulka ahba

Message 5

xeerka birimageydada wuxuu qeexayaa in nuuc gaara oo dadka ka mida aanse ku jirin dagaalka ay ahayd inaan la dilin  ama la dhaawicin  balse marwalba  la siiyo  xanaano iyo daryeel

dadkaas waxaa qeyb ka ahaa dumarka  caruurta waayeelka iyo bukaanka

xeerka soomaalida   wuxuu ku baaqayaa in qofku la dagaalo kuwa la dagaalamaya oo kaliya

Message 6  

dadka dhexdagan qabaailada dagaalamaya oo aan ku jirindagaalka  xididnimo ha u daganaadeenae ama magan haku joogaaneiyaga  iyo hantidooda midna lama  taaban jirin

sidoo kale ninka labada qolo ee dagaamaya ka tirsan  aanse dagaalka ku jirin  hubna sidan  iyo kan warma qaadka ah  ee aan ogeyn  in dagaal dhacay  iyagana lama taaban jirin

Message 7

dhaqankii soomalidii hore  ee colaadaha waxaa caado ahaan jirtay in la badbaadiyo  qofkasta oo dagaal lagu qabto  waxaana lagu simi jiray  abaan duulaha colka  waxaana ka dareemi kartaa  tixdan gabayga ah ee uu tiriyay  sayid maxamed cabdulle xasan  taasoo oraneysa  maandhow axsaan lagama tago eed hadaad faliye

Message 8

waxaa reebanaa in la gubo ama la bililiqeysto amaba la dhaco

guryaha iyo hantida hoostaala  beeraha iyo xoolaha  raaflaha ah iyo in la duugo  ilaha biyaha  goobaha lagu cibaadeysta iyo inaan la dili jirn qofka magan gala  masaajida  iyo dugsiyada diinta  lagu barto

goobahaasina  ujeedo colaadeed looma gali jirin  xilyada colaaduhu jiraan

Message 9

falal colaadeedka ku talaxtaga  iyo bahdilnimadu ku jiraan ee ka baxsanxeerarka dadnimo  waxaa la oran jiray  cuqubo ama halaag  taa oo la rumeysan yahay  cawaaqib xumadeeda  cidii  gashaana  facyaal badan  la socon jirtay  sida ku muuqata  tuduc uu horey u tiriyay  gabyaa soomaaliyeed

Message 10

dumartka iyo caruurta waxaa dilkooda laga dhaxli jiray ceeb cuqubo iyo cawaaqib xumo

ninkii dumarka iyo caruurta ku hoos noqda  waxaa loo arki  jiray  nin fulay ah oo raga  dagaalkooda kasoo baqay kuna ciil baxaya  ama ku cara burburaya  maatida leeyndeeda

dhinaca kale haddii laga eegana  dumarka iyo caruurta  waxay ka dhignaayeen  beertii iyo abuurkii suurto galiyay taranka dadka.

Message11

colaadaha ugu daran uguna cawaaqibka xun waa tan aan laga hishiin maxaayeelay mid ama labada qeebood ee colaada kuguul dareesta inuu xakeemayo xeerarka mabaadiida biri mageedada ee soo yaalka ah;taasina waxay  kamid ahayd aanfooyinkii laga duceesan jirin sida

cara aan laga soonoqan ceyr aan laga dhaqan cudur aan laga bogsan colaad aan laga heshiin iyo cilmi aan laga in tifaacin  

Massege 12

Xeer dhaqameedkii soomaqlidii horeee xiliyada colaadahawaxa uu tilmaamayaa haddii dagaal laga fursan waayo in gobonimo lagu diriro

Waxaa kaloo uu muujinayaa iney jiraan dad lama dilaan ah iyo hanti lama dhacaana xiliyada colaaduhu jiraan

Massage 13

Maxaabiista dagaalka waa in waqti walba si biniaadanimo loola dhaqmogaar ahaan in laga dhowro ku xadgudubka iyo ucaga jugleynta alle sw waxa uu quraankiisa kariimka ahi ku sheegay ayada sideedaad ee suuratul alnisaa  ruuxii alle dartiis quud usiiya masaakiinta baahan. Agoonta. Wuxuu noqonayaa mid loo naxariisto

Massage 14

Waxaa xaaran ah in la sameeyo falal aargoosi ah oo lagula kaco dadka  maganta iyo hantidooda  taasoo ceeb ku noqon jirtay  cidii ku kacdaa arintaasi

Waxaa sidoo kale reebnaa in la dhibaateyo.

Maseege 15

Dagaal kasta oo dhaca xaaraan bey ku aheyd xeerka soomallida in la dilo ama la wax yeeleeyo haweenka, caruurta, waayeelka, culumaa'udiinka, xerta, bukaanka, maganta, ergada, martida, safarka, iyo rayidka aan dagaalka ku jirin.

Dhaawaca cadawga guud ahaan wxaaa reebanaa in leys raaciyo.

Waxaa waajib aheyd in daryeel loo fidiyo.

Raga dagaalka lagu soo qabto ama qof dagaalka ku jira ee magan gala qof kale waa la bixin jiray nin doorkana lama dili jirin.

Massage 16

Xeer dhaqameedkii somaalida ee colaadha iyo xeerka caalamiga ee aadaninimo inta badan waa laba xeer oo isu dhigma.

Xeerka caalamiga ee aadaninimo waxaa ka midah afarta axdi ee jineefa ee soo baxay sanadkii 1949-kii iyo labada kaabayaal ee iyana soo axay sanadkii 1977-kii, dhamaantood waxay dhoowrayaan xuquuqda aadaninimo ee dhianaha dagaalka sida dhaawaca dadka maraakiibtu la degto, maxaabiista, rayidka iyo ahntidooda.

Xeerarkan waxaa saxiixay wadamada dunida intooda badan, somailyana waxay saxeexday xeerkan sanadkii 1962-kii.  

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com