Maamulka shirkada Hormuud oo ka warbixiyay duqeyn loo geystay.

(Mogadishu, Sunday ,8,June, 2008,(Hornafrik Media) Xarunta dhexe ee shirkada isgaarsiinta Hormuud oo ku taala wadada 1aad ee suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxaa ku dhacay qaybo ka mida dhismaheeda madfac kaasi oo qasaare gaarsiiyay qaybta laga maamulo GSMka waxaana markii arintaasi ay dhacday hawada ka baxay mudo saacado ah taleefoonada gacanta lagu qaato ee shirkada Hormuud.

 

C/rashiid Cali oo ka mida mas’uuliyiinta shirkada Hormuud Telecom ayaa sheegay in aysan qasaare ka soo gaarin shaqaalahooda weerarkaasi duqeynta ahaa. 

"Ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka soo gaaray madfaca shaqaalaha ku sugnaa gudaha shirkada" ayuu yiri C/rashiid oo hadalkiisa sii wata.  

Madfaca ayaa ku duldagay qaybta kore ee daarta Hormuud halkaasi oo uu dab xoogleh ka kacay, balse waxyar ka gadaal gurmad xoogan oo ay sameeyeen howl-wadeenada shirkadu ay baqtiyeen dabkaaasi. 

Khasaarihii baaxada weynaa ee soo gaaray shirkada ayaa sheegay mas’uulkaasi in loo saaray gudi soo qiimeeya inta uu gaar siisan yahay, waxa uuna C/rashiid intaasi ku sii daray in uu filayo dhawaan in ay ka soo kabtaan waxyaabihii gaaray maantay. 

Hormuud oo kaliya ma ahan goobaha ay qasaarooyinku maanta soo gaareen ee waxaa jira goobo ganacsi oo ku yaala suuqa Bakaaraha oo madaafiicdu burburiyeen qasaarooyin weyna ay gaarsiiyeen kuwaasi oo uu ka mid yahay hotelka Caafi ee ka soo horjeeda shirkada Hormuud Telecom Somalia ka dib markii madaafiic ay ka haleeshay qaybta korantada siisa hotelkaasi.  

Shirkada Hormuud ayaa ka mida shirikaadka dhinaca isgaarsiinta ugu waa weyn wadankani Somalia.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com