Ganacsade lagu xiray Magaalada Hargeysa.
(Mogadishu,Axad,20,July,
2008,(Hornafrik
Media)
Ciidamada Booliska ayaa magaalada Hargeysa, ku xiray
Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada Xoolaha, Mr. Cabdillaahi
Maxamed Cabdiraxmaan, .
Wararku
waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska ay doon doonayaan
inay soo qab taan oo ay xiraan xubno kale oo ganacsato
ah.waxana Guddoomiyaha Gudida Ganacsatada Xalay fiidkii laga
qabtay Hotel uu kusugnaa oo ku yaalla xaafadda New Hargeysa
iyadoo loo kaxeeyay xabsiga Magaaladaasi.
Xarriga
ganacsadahaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaaf soo
kala dhexgalay xukuumada Soomaaliland iyo gudiga ganacsatada
kaasoo la xariira qandaraas horey Dowladdu ula soo gashay
maalqabeen u dhashay sacuudiga oo la yiraahdo Al Jaabiri.
Guddoomiyaha Guddida ganacsatada eek la xiray C/laahi Maxamed
Cabdiraxmaan ayaa la kulmay Daahir Riyaale, waxana uu u
dhiibey codsi uu ku weydiisanayo ganacsatada inay dulqaataan 5
bilood oo uu u cusboonaysiiyey Al Jaabiri in xoolaha ariga la
dhoofiyo, taas oo ganacsatadu ku gacan seyreen.
Ganacsatada xoolaha soomaaliland oo walaac ka muujinayay
heshiiskaas tan iyo markii xukuumadda Somaliland la gashayMaal
qabeenkaas bilihii u dambeeyey 2006, ayaa dhowaan bilaabay
dhaqdhaqaaq ay isku urursanayaan, si ay ugu khasbaan
xukuumadda in ay ka noqoto heshiiskaas. Waxayna cuslays ku
saareen in loo ogolaado 7,000 oo neef oo ka madax bannaan Al
Jaabiri inay ka dhoofiyaan dekedda Berbera 15 July, isla
markaana Daahir Riyaale iyo Al Jaabiri ay dib ugu noqdaan
heshiiskoodii hore.