Galmudug oo si kulul u cambaareeyay dilkii Mr Ciise Calasow.

(Muqdisho,Talaado,22,Julaay,2008,(Hornafrik Media) Saraakiisha maamul goboleedka Galmudug ayaa si kulul u cambaareeyay falkii lagu qaarajiyay macalin Ciise Calasow oo maalintii shalayto ahayd meydkiisa laga helay meel duleedka waqooyi kaga beegan magaalada Galkacyo ee gobolkaasi Mudug. 

Alle ha u naxariistee macalin Ciise ayaa ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhiga goobaha waxbarasho ee ku yaala xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo. 

Falalka amni darida ayaa mudooyinkaani dambe ku soo kordhaya gudaha Gaalkacyo iyadoo welina aysan muuqan tilaabooyin waa weyn oo ay qaadayaan ciidamada nabad sugida labada maamul ee Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo dib loogu soo celinayo amaanka faraha ka sii baxaya ee magaaladaasi.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com