|
Qaramada midoobay
oo warqad tacsi ah u dirtay shirka warbaahinta HornAfrik iyo Capital
Voice.
Mogadishu ,24, August
2007 (HornAfrik Media)Qaramada
Midoobay ayaa cambaareysay falkii lagu dilay Mas'uuliyiintii
warbaahinta Hornafrik iyo capital Voice Cali Iiman iyo Mahad Axmed.
Madaxa isku
duwaha bini’aadanimada qaramada u qaabilsan soomaaliya Eric Laroche
ayaa waxaa uu Tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan eheladii iyo
asaxaabtii ay ka geeriyoodeen Mas'uuliyiintii warbaahinta shirkada
HornAfrik Cali Iiman sharmaar’arke iyo Mahad Axmed Cilmi isagoo
sheegay in si aad ah uu uga naxay geeridii deg dega ahayd ee ku
timid labadaasi marxuum oo si kas ah loogu qaarajiyay 11 bishaan
Magaalada Muqdisho.
",Waxaa si qota
dheer naxdin noogu noqotay markii aan maqalnay geeridii naxdinta
lahayd ee soo gaartay
Cali Imaan
iyo Mahad Axmed waana arrin murugo badan nagu reebtay", ayuu yiri Eric Laroche.
Waxaa uu sheegay
in qaramada Midoobay ay si aad ah u xushmayso warbaahinada Capital
Voice iyo waliba shirkadda wayn ee HornAfrik waxaana uu intaasi
raaciyay in Mas’uuliyiinta la dilay ay haayeen kuwa si wayn wax tar
ugu leh bulshada caalamka iyo waliba dalka soomaaliya.
",Waxaan aad ugu
farxaysanahay sida wanaagsan ee xoriyadda leh oo ay labadaasi
Marxuumiin dadka wararka ugu gudbin jireen islamarkaana ay u
deeqsiin jireen", ayuu sii raaciyay hadalkiisa Eric Laroche.
Waxaa ugu dambayn
uu ku soo gaban gabeeyay Eric Laroche.hadalkiisa in geerida labadaan
Mas’uul ay qasaare wayn u tahay warbaahinta Soomaaliyeed iyo
qaramada Midoobay.
Alle ha u
naxariistee wariye Mahad Axmed Cilmi ayaa waxaa ay kooxo hubeysan ku
dileen 11 bishaan meel u dhaw irida shirkada HornAfrik, iyadoo alle
ha u naxariistee Cali Iimaan lagu dilay Bam isaga oo ka soo laabtay
aaska saaxiibkiis Mahad Axmed.
Waxaa dilalkaasi
cambaareeyay dowladda Maraykanka ,Midowga Yurub,Canada, iyo waliba
qaramada Midoobay waxaa sidoo kale dilalkaasi si wayn u cambaareeyay
dowlada fadaraalka soomaaliya ,golaha maxkamadaha islaamiga
soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay dalka ereteria iyo bulshada rayidka
soomaaliyeed. |