Maalin
xasuus u ah Bahda saxaafadda gaar ahaan Idaacada HornAfrik.
(Mogadishu, Thursday, 5,June,
2008,(Hornafrik
Media)
Maanta
oo ah 5-06—2008 dhamaan shaqaalaha shirka warbaahinta
HornAfrik iyo Idaacada Codka Caasimada (Kapital Voice waxa ay
xasuusteen geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wariye Duniyo
Muxudiin Nuur oo u geeriyootay rasaas nin hubeysan uu ku furay
xili ay howlaheeda suxufinimo ku guda jirtay.

Shaqaalaha
shirka hornAfrik iyo idaacada Codka caasimada ayaa si aad ah
ugu tiiraanyooday Marxuumad Duniya iyagoo sheegay in door
muhiim ah ay ka qaadanaysay xiligii ay ku dhex jirtay
saxaafada.

Dadweyne
aad u badan oo qadadka teleefoonada kula soo xariirayay
idaacada Kapital Voice oo ku mataansan idaacada HornAfrik ayaa
dhamaantood sheegay inay aad uga naxeen markii ay maqleen
geerida duniya waxayna sheegeen in lagu yaqaanay fir fircnooni
iyo inay ka turjunto dhibaatada danyarta soomaaliyeed waxayna
ilaahay uga baryeen in janadii fardowsa uu ka waraabiyo.
Ilaahow u
naxariis Janno sii Duniyo Muxudiin Cali samir iyo iimana ka
sii heladii iyo qaraabadii ay ka baxday gaar ahaan Bahda
HornAfrik.
Howlwadeena
Idaacada iyo TV-ga HornAfrik ayaa sheegay inay sii wadayaan
xasuusta walaalahood ku geeriyooday dhibaatooyinka ka dhacay
dalka soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyagoona
xasuusan doona geeridii mid ka mid ahaa Mikiilayaashii
Idaacada HornAfrik Cali Imaan Sharnmaar’arke iyo Wariye Mahad
Axmed Cilmi oo 11 bishii agoosto sanadkii 2007-da lagu dilay
Magaalada Muqdisho.INAA LILAAHI WAA INAA ILAAHI
RAAJACUUN.Samir iyo Iimaan Ilaahay hanaga wada
siiyo.suxufiyiintii soomaaliyeed ee geeriyootay.