Inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaala nawaaxiga shirkadaha
is gaarsiinta ayaa irdaha isagu laaban saaka kadib markii
shalay galinkii dambe ay halkaasi iska hor imaad uu ku
dhexmaray ciidamada dowladda kmg ah ee kusugan isgoyska H/wadaag
iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda,iyadoo saaka meydka qof
rayid ah laga soo bixiyay goobtiisa ganacsiga oo ku taala
agagaarka shirkadaha isgaarsiinta.

Dagaalkii shalay ayaa waxa ku dhaawacmay inta la ogyahay sadex
ruux oo rayid ah waxana la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray
ciidamada dowladda kmg ah iyo kooxaha weerarka ku qaaday.
Saaka ayaa la sheegay in qof meyd ah laga helay agagaarka
shirkada is gaarsiinta Hormuud oo ku taala wadada koowad.

Xabado goos goos ah oo ay ridayaan ciidamada dowladda ee
fariisinka ku leh isgoyska H/wadaag ayaa la sheegayaa in
dhaawacyo ay gaarsiisay goobo ganacsi iyo dad rayid ah.

Horey ayaa waxa u xirmay dhaqdhaqaaqa guud ee wadada labaad ee
suuqa Bakaaraha kadib markii ciidamo katirsan dowladda ay
fariisin ka dhigteen isgoyska Aadan Cade
Saameyn xoog leh ayay ku yeelan kartaa howlaha ganacsiga suuqa
Bakaaraha sii xirnaanshaha wadadaan koowaad.

Dagaal
qasaare dhaliyay oo ka dhacay isgoyska H/wadaag ee
magaaladatani Muqdisho.
(Mogadishu,
Sunday
,10, February 2008,(Hornafrik Media).
Inta la ogyahay hal qof oo rayida ayaa dhaawac uu ka soo
gaaray iska horimaad galinkii dambe ee galabta ka dhacay
isgoyska Howl-wadaag ee gobolkani Banaadir.
Qofkaasi
dhawacmay ayaa ahaa wiil yar oo muruq maal danyara oo caseeye
ahaa kaasi oo madfac uu ku duldagay xili uu watay howshiisa.
Wiilkaasi
oo madfacu uu ku haleelay bartamaha wadada 1aad ee suuqa
dhanka ganacsiga ugu weyn caasimada
Somalia
ee Bakaaraha ayaa dhaawiciisa loola degdegay isbitaalada
Muqdisho si loo samatabixiyo.

dagaalkan oo si wayn u gil
gilay suuqa Bakaaraha ayaan la ogeyn qasaaraha uu gaystay
waxana madaafiic dhowr ah ay ku soo dhaceen suuqa kuwaas oo la
sheegayo in dhaawacyo aan cadadkooda la sheegin ay gaysteen.

ilaa dhowr madfac oo ku
dhacay agagaarka shirkadaha isgaarsiinta Telecom iyo Tawakal
ayaa gaystay qasaare Burbur hantiyeed ah iyadoo qaar ka mid ah
gaadiidka dadweynaha ay halkaasi ku bas beeleen.
wixii ku soo
kordha kala soco wararkeena dambe.