Dagaal qasaare dhaliyay oo ka dhacay isgoyska H/wadaag ee magaaladatani Muqdisho.

(Mogadishu, Sunday ,10, February 2008,(Hornafrik Media). Inta la ogyahay hal qof oo rayida ayaa dhaawac uu ka soo gaaray iska horimaad galinkii dambe ee galabta ka dhacay isgoyska Howl-wadaag ee gobolkani Banaadir. 

Qofkaasi dhawacmay ayaa ahaa wiil yar oo muruq maal danyara oo caseeye ahaa kaasi oo madfac uu ku duldagay xili uu watay howshiisa. 

Wiilkaasi oo madfacu uu ku haleelay bartamaha wadada 1aad ee suuqa dhanka ganacsiga ugu weyn caasimada Somalia ee Bakaaraha ayaa dhaawiciisa loola degdegay isbitaalada Muqdisho si loo samatabixiyo.

dagaalkan oo si wayn u gil gilay suuqa Bakaaraha ayaan la ogeyn qasaaraha uu gaystay waxana madaafiic dhowr ah ay ku soo dhaceen suuqa kuwaas oo la sheegayo in dhaawacyo aan cadadkooda la sheegin ay gaysteen.

ilaa dhowr madfac oo ku dhacay agagaarka shirkadaha isgaarsiinta Telecom iyo Tawakal ayaa gaystay qasaare Burbur hantiyeed ah iyadoo qaar ka mid ah gaadiidka dadweynaha ay halkaasi ku bas beeleen.

wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com