Goobihii shalay dagaaladu ka dhaceen oo saakay degan.

(Mogadishu, Monday ,9,June, 2008,(Hornafrik Media)

Waxaa saakay degan xaalada suuuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho Kadib markii uu shalay hakad galiyay weerarkii duqeynta ahaa ee loo gaystay suuqa.

Waxaa saakay la arkayaa kumaan qof oo ku soo qul qulaya gudaha suuq Bakaaraha kuwaas oo aan shalay fursad u helin in ay soo galaan kadib markii ay ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada kmg ah Madaafiic ku garaaceen qeybo badan oo ka mid ah Bakaaraha.

Marka laga tago dadka saakay u soo ganacsi tagay Bakaaraha waxa muuqanaya raadadka madaafiicdii shalay ku dhacday goobo ganacsi oo ka mid ah suuqa Bakaaraha waxana ka mid ah meelahaas shirkada isgaarsiinta Hor’Muud oo shalay ay waxyeelo ka soo gaartay Madaafiic ku dhacday xarunta shirkadaasi.

Goobaha ganacsiga ee shalay duqeyntii dhacday ku burburay waxa ka mid ah Internet-café-ka Cawaale,dhismaha Tookiyo watch,iyo Hotel Caafi iyo waliba meelo kale oo badan kuwaas oo burbur xooggani saakay ka muuqanayo.

Goobihii shalay ay dagaaladu ka dhaceen ee degmada wardhiiley ayaa degan saakay iyadoo ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa Itoobiyaanka ay dib ugu laabteen fariisimadii ay markii hore ka soo ruuqaansadeen.

Waxa lagu arkayaa goobihii shalay dagaladu ka dhaceen burbur xooggan oo ka muuqda guryaha dadka shacabka oo ay ku Habsadeen madaafiic badan,iyo fiilooyin taleefano oo aad u daadsan dhulka,waddooyinka jid cadayaasha ah.

Ugu yaraan 25 ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay duqeyntii ciidamada itoobiya ka gaystay shalay Magaalada Muqdisho halka dhaawacu gaarayo Kuwaad 100 qof.

Afhayeenka Madaxweynaha dowlada kmg ah ee soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud Xuub sareed ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa itoobiya iyaga lagu duulay islamarkaana ay is difaaceen sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo ka hadlay dagaalkii shalay ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada itoobiya ay iyagu bilaabeen dagaalka kadib markii ay gudaha u soo galeen qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha laba dhagax iyo Baar Hilaac oo ka wada tirsan degmada Wardhiiley.

Afhayeenka dhinaca siyaasada Maxkamadaha islaamiga Sheekh Ibraahim Suulay ayaa sheegay isna inay ka xun yihiin duqeynta ciidamada itoobiya ay ku sameeyeen suuqa ganacsiga Bakaaraha,isagoo xusay in ciidamada itoobiya ay si ula kac ah u duqeeyeen goobaha rayidka.

Si kastaba ha ahaatee dagaaladii shalay waxa ay ku soo beegmeen iyadoo ay soconayaan shirar lagu heshiisiinayo dowlada kmg ah iyo Mucaaradka inkastoo rajo xumo shirka Jabuuti ka soconaya laga muujinayo.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com