Degmada oo dagaal ka dhacay kadib xasiloon.

(Mogadishu, Thursday  ,27  March 2008,(Hornafrik Media)

Maamulka degmada Jowhar ee gobolka sh/dhexe ayaa amar ku bixiyay in shacabku ay dib u soo celiyaan qalabkii shalay laga bililiqaystay xarumaha maamulka iyo saldhiga degmadaasi xili ay dib u bilowdeen howlihii maamulka.

Waxa lagu soo waramayaa in howlihii ganacsiga ee Magaalada Jowhar oo u xirmay shalay dagaal ka dhacay halkaasi maanta ay caadi ku soo laabteen iyadoo maamulka degmada ay shaqadoodii dib u bilaabeen.

Ciidamada dowlada hoose ayaa saaka lagu arkayay iyagoo canshuur ka qaadaya goobaha ganacsiga Magaalada Jowhar.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Jowhar qaar kood ayaa shalay dagaalka kadib waxa ay boobeen hantidii iyo qalab xaafiiseedkii maamulka degmada.waxana haatan maamulka degmada ay sheegeen in qalabkaasi la soo celiyo cidii soo celin waydana la xiro doono.

Si kastaba ha ahaatee dalkaasi shalay ayaa waxa Guddoomiyaha gobolka sh/dhexe Maxamed Cumar Deelle uu ku eedeyay inay ka dambeeyeen kooxo iska soo abaabulay gobolka Hiiraan islamarkaa waxa uu sheegay guddoomiyihu inay baacsan doonan kooxahaasi.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com