Dagaal culus oo ka dhacay saldhiga degmada Hodan.

(Mogadishu, Monday ,24  March 2008,(Hornafrik Media)

Ugu yaraan sadex ayaa ku geeriyootay oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamada dowaldda kmg ah ee Somalia afar kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor’imaad maanta ka dhacay saldhiga degmada Hodan ee Magaalada Muqdosho.

dhinaca kale sadex qof oo rayid ah ayaa maanta ku dhaawacmey kadib ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah oo rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad rayid ah oo marayay agagaarka beerta daraawiishta ee degmada huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay 2 ka tirsanaa ciidamada dowladda kmg ah ee Somalia ayaa ku geeriyootay tiro kale oo dad ahna waa ay ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa ka qarxay saaka kadib markii kooxo hubeysani weerar ku qaadeen ciidamada dowladda ee fariisinka ku lahaa saldhiga degmada Hodan iyo qeybo ka mid ah degmadaasi.

Dad goobjooyaal ah ayaa u HornAfrik sheegay in labo ka mid ah ciidamada dowladda la dilay iyadoo khasaare la sheegay inuu soo gaaray kooxaha weerar ka qaaday inkastoo aan la sheegin inta uu la egyahay.

Dagalkaan ayaa xoogiisu ka dhacayay ilaa saaka agagaarka Tarabuunka, saldhiga Hodan iyo xaafada Afrikaan Village oo ka wada tirsan degmada Hodan waxana xiisadu hada ay tahay mid kacsan.

Ilaa iminka si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiyan kala gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ah ee lagu kor dagaalamay.

Wixii koo kordha kala soco wararkeena dambe.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com