Dad ku dhaawacmey wadada wadnaha iyadoo ciidamo ka tirsan dowlada kmg ah ay isaga baxeen isgoyska Aadan Cade.

(Mogadishu, Wednesday  ,26  March 2008,(Hornafrik Media)

Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday sadex kalena waa ay ku dhaawacmeen agagaarka isgoyska H/wadaag kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah ee Somalia oo fariisin ku leh isgoyska Aadan Cade ay rasaas soo raacsiiyeen wadadana ee Magaalada Muqdisho.

Qofkaan geeriyooday ayaa ka mid ahaa sadex qof oo rayid ah oo saaka ku dhaawacmey iska horgoyska H/wadaag kadib ciidamada dowladda oo rasaas aysan cidina kala horjeedin soo raacsiinayay wadada wadnaha.

Rasaastaasi ayaa saameyn ku yeelatay isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadada wadnaha waxaana la arkayay dad orad ku soo gowynayay wadadaasi.

Ciidamada gaarka ah ee loo sameeyay suuqa Bakaaraha islamarkaana hoostaga ganacsatada suuqa ayaa la arkayay iyaga oo gaaf wareegaya hareeraha Bakaaraha islamarkaana waxa  ka muuqatay foojignaan wayn oo ay ka qabaan rasaasta Ciidanka dowladda soo raacinayaan wadada wadnaha.

Xaalada isgoyska H/wadaag ayaa hada degan iyadoo ciidamada dowladda kmg ah ee Somalia ay isaga baxeen isgoyska Aadan Cade.

Lama oga sababtu ciidamadaasi ay u baxeen balse waxaa la arkayay dadweyne aad u badan oo ku yaacayay meelaha ay ka baxeen ciidadmaasi lamana oga hadii ay dib u soo laabanayaan iyo in kale.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com