Madaxii
Hay’adda CRD Oo Lagu Dilay Magaalada Baladweyne
(Mogadishu, Sunday
,22,June,
2008,(Hornafrik
Media)
Kooxo
Hubeysan ayaa galabtay ku dilay Magaalada Baladweyne ee
xarunta Gobolka Hiiraan Madaxii hay’adda CRD ee Gobola
Dhexe Alle U naxariistee Egn:Kullane.iyadoo 24 saac gudahood
Baladweyne lagu dilay sadex qof oo si wayn looga yaqaanay
Gobolkaasi.
Galinkii
dambe ee galabta ayaa kooxo aan la garanaynin waxa ay toogasho
ku dileen Madaxii Hay’adda
Xarunta Cilmi Baarista iyo wada
tashiga CRD ee Gobolada Dhexe. Maxamed
Xasan Kullane,xili uu
kusugnaa meel aan ka dheereyn hoygiisa oo kuyaala Magaalada
Baladweyne.
Eng.
Max'ed Xasan kulmiye oo siweyn looga yiqiinay Gobalka Hiiraan
iyo guud ahaan Gobalada dhexe Soomaaliya waxaa markii uu dalka
dhacay kadib isugu soo baxay guriga uu degan yahay dad weyne
aad u faro badan oo ka tiiraanyeeysnaa dhimashadiisa
islamarkaana hadala hayay dadaaladiisii dhinaca Nabada
waqtigii uu noolaa.
Kooxaha dilkaan u gaystay Eng. Max'ed Xasan kulmiye ayaa sidoo
kale Buutada-Liqliqato ee Xaafada Howl-wadaag horay ugu sii
toogtay wiil dhaliyaro ah oo sida la sheegay ay ka shakiyeen.
Dadka ku
dhaqan degmada Baladweyne ayaa si xun uga tiiraanyooday
dilalka qorsheysan ee is dabajooga ah ee ka dhacaya Magaalada
Baladweyne kuwaas oo lagu hayo dadka wax tarka u leh bulshada
rayidka ah.
Wararka la xariira warkan
Askari ka
tirsanaa Ciidamadii xooga Dalka oo Baladweyne lagu Dilay.
Askari ka
tirsanaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu
dilay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Alle Ha u
Naxariistee askarigaan ka tirsanan jiray Ciidamada xiiga dalka
soomaaliyeed ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan,waxana kooxaha
dilay ay ku hubeysanaayeen Bastoolado.
Dilkaan
ayaa ka dhacay maanta xaafada H/wadaag ee Magaalada Baladweyne
ee gobolka Hiiraan.
Lama oga
sababta ka dambeysa dilkaasi,hase ahaatee waxa sidoo kale
xalay fal nuucaan Magaalada Baladweyne loogu dilay nin
dhalinyaro ah oo la sheegay in ciidamada Itoobiya uu Turjumaan
u ahaa.