Booliska oo u hanjabay suuqa Bakaaraha.

(Mogadishu, Tuesday  ,25  March 2008,(Hornafrik Media)

Afhayeenka Ciidamada booliska dowladda kmg ah ee Somalia C/laahi Cumar Ibraahim (shaac shaac) ayaa sheegay inay talaabo ka qaadayaan suuqa Bakaaraha kadib markii uu ku eedeeyay ganacsatada inay ka dambeeyeen dagaalkii shalay ku dhexmaray qeybo ka mid ah degmada hodan Ciidamada dowladda kmg ah iyo xoogaga hubeysan ee ka horjeeda.

“Nimanka ganacsatada ah ee maalmhaan waday abaabul inay suuqa u sameeyaan dhar cad oo iyaga hoostaga waa ay ku guul daraysteen arrintoodii oo abaabul dulaan ayaa ka yimid suuqa kaasoo ay wadaan kooxda al shabaab” sidaasi waxa yiri Mr Shaac shaac.

Halkaan Riix si aad u Dhagaysato wareysiga Afhayeenka.

Dhinaca kale guddoomiyeha ganacstada suuqa Bakaaraha oo saaka la hadlayay idaacada Hornafrik ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka ka soo baxay afhayeenka Booliska isagoo sidoo kale afhayeenka ku eedeeyay inuusan la socon saraakiisha uga sareysa howlaha Ciidamada Booliska.

Hadlaka ka soo baxay afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa ku soo beegmaya xili ay socdaan dadaalo nabada lagu raadinayo uu hor boodayo Ra’isal wasaare Nuur Cade waxana hadalada nuucaan ahi sii kala fogeynayaan isku soo dhawaashaha ganacsatada iyo xukuumada maadaama Ra’isal wasaaruhu sheegay in suuqa Bakaaraha ganacsatadu u sameystaan ciidamo gaar ah.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com