Dagaal xooganaa oo ka dhacay duleedka garoonka B/doogle.

(Mogadishu, Sunday ,18,May 2008,(Hornafrik Media) Iskahorimaad aad u xooganaa ayaa daqiiqado ka hor  ka dhacay deegaanka Carmooley oo u dhaxeysa Yaaqbariweyne iyo Balidoogle ee gobolkaasi Sh/hoose kaasi oo sida la sheegay dhexmaray askar ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo dagaal yahanka mucaaradka ee ka horjeeda. 

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ay xoogaga hubeysan ay weerar gaadmo ahaa ku soo qaadeen cutubyo Itoobiyaan ahaa oo deegaankaasi fariisimo ka dhagtay maalmahaani dambe. 

Ilaa iyo iminkana waxaan la ogeyn qasaaraha rasmiyan ka dhashay dagaalka inta uu gaar siiyan yahay wallow ay jiraan warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalkaasi. 

Weerarka ayaa la aaminsan yahay in uu qayb ka yahay dagaalada hubeysan ee lagula jiro militaarka Itoobiya ee ku sugan Somalia. 

Gobolka Sh/hoose ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa uu  qabatimay dagaalo u dhaxeeya Itoobiya iyo mucaaradka ku kacsan ee la hardamaya.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com