Ra'isal wasaaraha Somalia oo mar kale ku baaqay  Nabad.

(Mogadishu, Jimce ,11,July, 2008,(Hornafrik Media)  

Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isagoo kusugan Magaalada HuGUE ee dalka Holland la hadlay wakaalada wararka AFP ayuu ugu baaqay dhamaan Soomaalida iyo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah inay taageeraan heshiiska Bil jirsaday ee Dowladda iyo Mucaaradku wada galeen.wuxuuna ku adkeystay Ra’isal wasaaruhu inay suuragal tahay nabad laga gaaro dhibaatada colaada Sokeeye  ee 18-ka sano ka jirtay Somalia.

Suxufiyiin kusugan Magaalada Hugue oo su’aalo waydiiyay Ra’isal wasaare Nuur Cadde oo xiligaasi kulan la qaadanayay Wasiirka Kaalmada Holland Mr. Bert Koenders. ayuu   sheegay inay jirto rajo wanaasgan oo lafilayo inay soo gunaanado mashaakilka 18-ka sano ka taaganaa Somalia isagoo intaa ku daray inay muhiim tahay in dhamaan Soomaalidu ay isku raacaan heshiiskii 9-kii bishii June lagu gaaray dalka Jabuuti kaasoo ay qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

Nabad in ay ka dhalato Soomaaliya waa suurtagal hadii Dowladda KMG ah,Hogaamiyaasha Culuma U diinka,kuwa dhaqanka iyo qurba joogta Soomaaliyeed ay door isku mid ah ka ciyaaraan sidii nabad waarta Soomaaliya loogu soo celin lahaa”. ayuu Yiri Ra’isal wasaare Nuur Cadde.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo  la weydiiyay caqabadaha  hor-taagan in la  kaalmeyo dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, waxaa uu qirtay in deganaasho la’aan iyo dilal ka dhacaya Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay sii adkeeyeen in gargaar lala gaarsiiyo dadka u baahan.

Waa markii labaad oo uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ugu baaqo dhinacyada Dowladdiisa ka soo horjeeda inay la qaataan heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, dhawaan ayay ahayd markii uu baaq kan la mid ah uu u jeediyay dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda.iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com