Dagaal ka dhacay nawaaxiga degmada Baladweyne.

(Muqdisho,khamiis,24,Julaay,2008,(Hornafrik Media)

Xaalada degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa kacsan halkaasoo ay gudaha u soo galeen Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh Buurta Jante Kundisho waxana hada soconaya dagaal dhexmaraya Ciidamada itoobiya iyo xoogaga ka soo horjeeda.

Dhinaca galbeed ee Magaalada Baladweyne ayaa saakay dagaal xoog leh waxa uu ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay isticmaalayaan madaafiic waaweyn oo uu ka mid yahay qoriga BM-ka iyadoo aan si dhab ah loo xaqiijin Karin khasaaraha ay gaysteen Madaafiicdaasi.

Ugu yaraan waxa la sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen 7 ruux,oo dhamaantood rayid ah kuwaas oo madaafiic Ciidamada Itoobiya rideen ay kula dhacday xaafada Howl-wadaag oo ka tirsan degmada Baladweyne.

Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com