Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay dilalka shaqaalaha
Hay’addaha Samafalka.
(Muqdisho,Arbaco,23,Julaay,2008,(Hornafrik
Media)
shirka
golaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyanay
guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof: Maxamed
Cumar Dalxa waxa lagu sheegay in baarlamaanku ka xun yahay
dhibaatada lagu hayo shaqaalaha Hay’addaha samafalka ee
Soomaaliya ka howlgala xiligaan adag.
Baarlamaanka ayaa sheegay in falalka lagu ugu gaarsanayo
shaqaalaha Hay’addaha gargaarka ay keenin karaan inay
istaagaan gurmadka loogu jiro in la caawiyo dadka soomaaliyeed
ee dhibaatadu daashatay ku dhawaad 18 sano.
Prof Dalxa
waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay meel kaga soo
wada jeestaan dadka dhibaatada ku haya shaqaalaha Hay’addaha
gargaarka.
Hadalka
maanta ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ku soo
beegmay xili wali ay gacanta afduubayaasha ku jiraan qaar ka
mid ah shaqaalaha Hay’addaha samafalka kuwaas oo aan la
gareynin sababta iyo meesha lagu hayo.