Askari lagu dilay Baydhabo.
(Mogadishu,
Wednesday ,26
March
2008,(Hornafrik
Media)
Kooxo
hobeysan ayaa xalay toogtay askari ka tirsan ciidamada
nabad sugida dowlada kmg ah ee
somalia
xili uu marayay bartamaha magaalada beydhaba ee
gobalkaasi bay.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay maxamed cadow kana mid
ahaa askarta ciidamada nabad sugida dowlada kmg ah ayaa
kooxo hobeysan ay ku toogteen fiidnimadii xalay gudaha
magaalada baydhaba.
askariga dhintay waxa goobta ka qaadeen ciidamada
booliska dowlada oo goobta yimid kadib markii uu falku
dhacay waxaana ay ciidamadu xireen wadooyinka magaalada
iyadoo bandowga waqtigiisa laga soo hormariyay.