Golaha Hawiye oo maanta cambaareeyay dilkii macalin Ciise.

(Muqdisho,Talaado,22,Julaay,2008,(Hornafrik Media) Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye ayaa si kulul u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee lagu dilay ustaad Ciise Xabad Calasow oo bare ka ahaa dugsiga Cumar Samatar ee magaaladaasi Gaalkacyo. 

Afhayeenka golahaasi nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa idaacadatani HornAfrik u sheegay in ay si weyn uga xun yihiin dilka lagu kacay Ciise Xabad oo ka mid ahaa barayaasha magaca weyn ku leh gobolka Mudug. 

Marxuum Ciise, oo kooxo dabley ah ay Jimcihii la soo dhaafay kala baxeen gurigiisa ayaa sidoo kale macalin ka ahaa machadka Simba, kooxaha ayaana meydkiisa markii dambe soo dhigay duleedka waqooyi ee xarunta gobolka, halkaasi oo ay ehelada qoyska ka soo qaateen. 

Alle ha u naxariistee macalin Ciise Xabad  ayaa horey waxaa cambaareyn ba’an dusha uga tuuray hay’ada xuquuqul aadamiga Cabdullahi Ciise ee ka howl-gasha deegaamada hoos yimaada Mudug . 

Sikasta ahaatee, Axmed Diiriye ayaa codkiisa ku biiriyay cambaareyntii kal hore ka soo baxday mas’uuliyiinta maamul goboleedka Galmudug iyo kan maamul goboleedka waqooyi bari Somalia ee Puntland ee ka wada arimiya gobolkaasi. 

Falalka amni darida ayaa mudooyinkaani dambe ku soo kordhaya gudaha Gaalkacyo iyadoo welina aysan muuqan tilaabooyin waa weyn oo ay qaadayaan ciidamada nabad sugida labada maamul ee Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo dib loogu soo celinayo amaanka faraha ka sii baxaya ee magaaladaasi. 

Dadka ku dhaqan Mudug ayaa dhowr mar oo sii horeysay ugu baaqay labada maamul in ay xaqiijiyaan amaanka guud ee gobolkaasi Mudug. 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com