Isbahaysiga oo khilaafkii soo kala dhexgalay xaliyay.

(Mogadishu,Jimco,18,July, 2008,(Hornafrik Media)  

Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee dhawaan u kala jabay labada garab ayaa heshiis ku gaaray Magaalada sanca ee dalka Yeman, iyadoo qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ay si isku mid ah heshiiskaasi u taageereen.

Maalmihii ugu dambeeyay waxa socday dadaalo baaxad leh oo ay wadeen qaar ka mid ah golaha Maxkamadaha islaamiga kuwaas oo ka tagay dalka Soomaaliya.

Xubnahaasi oo la qiyaasayo inuu hogaaminayay Sheekh Ibraahim Suuley oo ka tagay dalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen dalka Jabuuti waxayna dadaal u galeen sidii ay ugu kala dabqaadi lahaayeen xubnaha Asmara jooga iyo kuwa jabuuti jooga.

Intaas kadib waxa kulan baaralan lagu iclaamiyay dalka Yeman waxana halkaasi gaaray xubno badan oo uu ka mid yahay sheikh shariif Sheekh Axmed kuwaas oo kulamo dhex dhexaadin la yeeshay xubno kale oo ka yimid Magaalada Asmara.

Dr Maxamuud Geele oo ah afhayeenka hogaaminayay wefdigii xubnaha isbahaysiga garabka sheikh shariif sheikh Axmed ee heshiiska ku saxiixay dalka jabuuti.wuxuu sheegay Mr Geelle in la dhameeyay khilaafkii soo kala dhexgalay xubnaha isbahaysiga dib o xoreynta.

Laakin Geelle oo xiliga oo la hadlayay Idaacada Hornafrik kusugnaa dalka Yeman ma uusan sheegin si cad waxyaabaha la isku raacay.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo gudihiisa oo saakay ka qeyb qaadanayay barnaamijka hadalheynta Todobaadka Idaacadda HornAfrik ayaa waxay si isku mid ah u taageereen heshiiska xubnaha isbahaysiga gaareen iyo inay si hoose iyagu u xaliyaan khilaafkooda.

Inta badan afkaaraha dadweynaha ayaa qeexayay inay ku baahanyihiin nabad iyo kala dambeyn.inkastoo dadweynuhu ay ka careysanyihiin joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee xubno uu hogaaminayo sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay dib ugu laabtay dalka jabuuti iyadoo dhanka kale xubno ka tagay Asmara ay shalay iyana ka dhoofeen Magaalada sanca ee dalka Yeman kuwaas oo dib ugu noqday Asmara,waxana Muuqanaysa isu soo dhawaasho labada dhinac ee isbahaysiga.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com