Ajandaha xukuumada ee dib u heshiisiinta.

(Mogadishu, Wednesday ,12 March 2008,(Hornafrik Media)

Ra段isal wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) oo shir jaraa段d maanta ku qabtay gobolka Banadir ayaa ku soo bandhigay barnaamijka dib u heshiisiinta ee xukuumada isagoo sheegay inay wadaxaajood buuxa la gali doonaan dhinacyad mucaaradka ee ka soo horjeed dowladda kmg ah ee Somalia.

Ra段sal wasaaraha xukuumada Somalia oo maanta shir ku qabtay xaafiiska hoyga uu ka degan yahay nawaaxiga xarunta madaxtooyada ayaa waxa uu ku soo bandhigay barnaamijka dowladda kmg ah ee dib u heshiisiinta.

Shirkaasi ja raa段d waxa ka qeyb qagalay suxufiyiin badan oo isagu jiray kuwa ajaanib iyo kuwa gudaha waxana xuumada ku soo bandhigtay qaabka dib u xalinta umada  Soomaaliyeed.

Waxa halkaasi lagu soo bandhigay qaabka wadahadalada Dowladda kmg ah ay u wajahayso iyadoo marka hore la sheegay in mida hore ay tahay mid quseysa dadka shacabka ah iyo waliba mid gaar ah oo ay ku wada hadalyaaan xukuumada iyo mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda.

R段sal wasaare Nuur cade ayaa sheegay inay la wadahadlayaan cid walba ee hubeysan xitaa dhaqdhaqaaqyada Al shabaab taasoo u muuqata mid ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxweynaha iyo Ra段sal wasaaraha laakin waxa uu sheegay Ra段sal wasaaruhu in khilaaf uusan arrintaasi ka jirin.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com