Hornafrik
Media)
Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa kabadana
waa ay ku dhaawacmeen iska horimaadyo ka soo cusboobnaaday
deegaano ka mid ah gobolada sh/dhexe, Hiiraan,sh.hoose .
Dilka dadkan ayaa la sheegay in ay ka dambaysay kadib markii
uu ka soo cusboonaaday deegaanadaasi falal aargoosi ah oo hore
uga jirey halkaasi.
Muddo ku siman labo maalmood ayaa si kala gaar gaar ah la
sheegay in loogu kala diley deegaankaasi dad tiradoodu lagu
sheegay inay gaarayaan ilaa lix ruux halka tiro kalana ay ku
dhaawacmeen,
Nabadoon Xasan Qaasin Qeyley oo ka mid ah oday dhaqameedyo ku
howlan sidii xal loogu heli lahaa colaadan ayaa sheegay inay
ku dhowaaqeen xabad joojin dhaqan galaysay maanta.
Waxana uu nabadoonku sheegay in ay isticmaalayeen maanta ilaa
labaatameeyo fooneeyaha halowhalowga maadaama aan isgaarsiinta
taleefanka laga heli karin halkaasi.
Deegaanada ay colaadani saameysey ayaa la sheegay in dad
badani ay ka carareen guryahoodii islamarkaana ku barakaceen
is ugaasi u dhexeeya labo beel oo walaalo ah oo halkaasi ku
wada nool.
Dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa dilal ku
salaysan aargoosi qabiil ooka dhacay isla deegaanada haatan ay
ka jiraan coladan waxaa ku dhintey dad ka badan labaatameeyo
ruux.hase yeeshee dadaalo badan oo ay sameeyeen
odaydhaqameedyo ka soo jeeda deegaankasi ayaa lagu guuleystey
in la dhex dhigo labada beelood oo walaalaha ah ee colaadani
dhex martay.
Dilalka ka soo cusboonaaday deegaanadan ayaa la sheegay inay
ku soo beegantay xilli uu jiilaal adagi halkaa ka jiro isla
markaana biyaha iyo baadka dadka iyo xooluhuba ay ku yar
yihiin .