Labo askari
oo Magaalada Muqdisho lagu dilay.
(Mogadishu,
Thursday ,27
March
2008,(Hornafrik
Media)
Kooxo
hubeysan ayaa labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada
dowladda kmg ah e Somalia ayaa maanta barqanimadii ku
toogtay xaafada Tookiyo ee degmada yaaqshiid Magaalada
Muqdisho.
Ragaan ayaa
lagu toogtay agagaarka xarun ay ku leeyihiin xaafada tookiyo
halka loo yaqaano biya dageenka.
Xariir ana
la sameynay guddoomiyaha degmada yaqshiid ayaa sheegay in hal
askari oo kaliyah halkaasi lagu dilay inkastoo dad goobjooyaal
ahi ay HornAfrik u sheegeen in dadka la dilay ay gaarayeen
labo askari.
Ma ahan
markii ugu horesay oo kooxo hubeysan ay toogasho u gaystaan
ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah ee Somalia.