Ciidamada
Maamulka Hiiraan oo dad ka qan qabtay deegaano ka mid ah
goolkaasi.
(Mogadishu,
Thursday ,27
March
2008,(Hornafrik
Media)
Ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo maanta soo
gaaray degmada Halgan oo ka tirsan gobolkaasi ayaa
howlgalo dad ay ku soo qab qabteen ka sameeyay halkaasi.
Ciidamadaan
oo saaka soo gaaray degmada halgan islamarkaana ka soo baxay
Magaalada B/wayne ee xarunta gobolkaasi hiiraan ayaa markii ay
magaalada soo gaelen waxa ay sameeyeen howlgalo balaaran oo ay
ku galeen xaafadaha degmada Halgan.
Labo nin oo
ka mid ah dadka deegaanka ayaa la sheegay in ciidamadaasi ay
gacanta ku dhigeen oo ay wateen waxana lagu eedeyay ragaasi
inay ka soo horjeedaan siyaasada maamulka gobolka hiiraan iyo
kan dowladda kmg ah ee Somalia.
Sidoo kale
Ciidamadaasi ayaa tagay deegaan la yiraahdo ceel dheere oo ana
ka fogeyn degmada Halgan halkaasoo la sheegay inay
kusugnaayeen kooxo hubeysan sida uu xaqiijiyay taliyaha
qeybta daraawiishta maaulka gobolka hiiraan Tawalle Axmed
Burubay oo isagu ciidamadaasi horkacayay.
Waxa u
sheegay taliyhu in ay gacanta ku dhigeen hanti uu sheegay in
kooxaha ka soo horjeeda ay ka carareen sida uu hadalka u
dhigay.
Ciidamadaasi ayaa waxa la socda guddoomiyaha gobolka Hiiraan
Yusuf axmed Hagar dabageed waxana la sheegay in qeybo ka mid
ah meelihii ay saaka soo galeen ay wali joogaan.