|

Al-qaadi ” Ahlusunna wax wasiir ah kuma lahan wasiirada cusub”

Afhayeenka culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yusuf Al-qaadi oo Hornafrik la hadlay marki la magacaabay wasiirada cusub ee dowladda KMG Soomaaliya ayuu hadalkiisa ku sheegay in wax wasiir ah aaney dhinacooda ku laheyn wasiirada cusub ee loo magacaabay xukuumadda Soomaaliya.

Al-qaadi ayaa sheegay in magacaabistaasi ay ciriri galineyso geedi socodki nabadda ee u dhexeeyay dowladda KMG Soomaaliya iyo culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca, isagoo sheegay in arintaasi ay ka qaadan doonan go’aan deg deg ah.

Sheekha ayaa tilmaamay in dowladda KMG ay ula dhaqantay si aan wanaagsaneyn, isagoo hadalkiisa ku sheegay in ra’isul wasaare Sharmaarke ay is arkeen kahor magacabista, uuna ra’isul wasaaraha ka war qabay in Ahlusunna aaney ku qanacsaneyn wasiira cusub.

Si walbo oo ay ahaataba lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlusunna-waljameca.

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

6 Responses for “Al-qaadi ” Ahlusunna wax wasiir ah kuma lahan wasiirada cusub””

  1. Asc w.w een horta ma ahan dowlada shariif mid lala gali karo hishiis maxa yiilay waa dowlad khiyaano badan oo waxay khiyaantay ninkii kaliya ah ay dowlada ku shakhaynaysay oo hadoo manta jogi laha ururka alshabaab waxbuu ka khaban laha waa aniga figradayda maxa yiilay ninkas marki hore waxuu ka tirsana alshabaab marka khiyanadoda wuu ya khaanaa ninkasna waaaaaaaaa sh, yuusuf maxad siyaad [INDHCADE] WABILAAHI TOWFIIQ WADNA MAHADSANTII DHAMAAN SHAQALAHA WARBAHINTA [HORNAFRIK.COM]

  2. dhaadeey says:

    shiikh cabdulaahi shiikh cabdiraxmaan abu yuusuf alqaadi waa runti shiikha in uu maanta mr sharmaarke uu soo magacaabo wasiiro aan wax tareen oo ah qab qablayaal dakaal iyo niman
    dabadaha ka tagay in sharmakrke iyo shariif aay dhahaan waxeey matalaan waa arin laga xumaado
    waxaas oo dhan waxaa lahaa dowlada lagu soo dhoob dhoobay djbuuti ee aan wax la sheegi karo ka qaban arimaha somaliya in aay uga sii dartay mooyee shiikh cabdulaahi ilaah haku xifdiyo
    waana ku mahadsan tahay sida aad u cadeey say in aay san niman dabadaha katagay iyo niman world ah aay san matalin culumada ahlusuna dhiiga culumada in niman jago ku raad sadaan ma la aqbali karo

  3. salaad says:

    Axmed c/salan iyo mustafe dhuxulow ooshariif lataliye u ahaa baa ahlu suno matalaya inaysan jin caruutaa garan karta ahlusuno waa inay go aan miday san kaqaadataa dawladaan khiyaanada mooday siyaaso

  4. oda hebal says:

    asc waxaaan idinwaydiiya ahlu suna wa dad noocee ah su shaas hala iiga jawaabowa mahadsan tahiin

  5. Gabar Reer Muqdisho says:

    Asc,waxan soo xusuustey sawir uu Aminarts hadda ka hor soo saaray ereya ku qornaa oo ay ka mid ahayd Ahlu jago,hadda ayay ii cadaatay inuu runta abaaray Amin markuu lahaa Ahlujago,waa cajiib shalay waxaad lahaydeen anag ujeedadeeduna ma ahan inaan xukun doon nahay ee qawaarijta ayaan la dirireynaa laakiin waxaa cadaatay in aad uun xukun doon tihiin tihiin. Waxanse idin weydiiyay ma adinkaa sameysatay ooy marko(Calaamad)idiin tahay ahlusuna oo cid kale oo qaadan kartaa ma jirto yaa u diiday Axmed C/salaan iyo Ina Dhuxulow iney ahlusuna yihiin xitaa iyagoon idinku feker ahayn mise siddii saaxibadiin ayaad ahlusunanimada ciddii fikirkiina diida ka sareysaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Wey magacya badisee Allow sahal umuuraha.

  6. cararam says:

    webkaan shayaadiinda inaad aragtidiina ku soo gudbisiin aad ayaan uga xumahay waligiisna dhaxdhaxaad ma noqon ileen shaydaan ma daahiree blan waxaan kaaga qaaday ninka iska lehoow you will pay fhe press ass hole

Leave a Reply

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree