|

Kulan ka dhacay G/Kacyo oo lagu ayiday xildhibaanad Fadumo.

Kulaka oo ay ka qayb galeen wax garad, ganacsato, siyaasiyiin, culuma udiin, iyo ururada bulshada ee kasoo jeeda beelaha direed ayaa  waxa ay ku sheegeen in ay sibuuxda u taageersan yihiin Xildhibaanad marwo faadumo Aadan Cali oo u sharaxan qabashada xilka wasiirka caafimdaadka ee dowlada soomaaliya.

Suldaan kamida Salaadiinta beesha oo lagu magacaabo cabdi nuur axmed xaaji oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in marwo Faadumo Aadan Cali ay u qalanto in ay beelaha direed u matasho xukuumadda soomaaliya waxaana uu sheegay in ay tahay qof aqoon buuxda leh isla markaana ay isku raacsan yihiin beeshooda.

Suldaanka ayaa ka codsaday madaxda dowladda KMG ah in lagu tix Galiyo qabashada xilkaasi Xildhibaanad Marwo Faadumo maadaama uu sheegay in ay beel ahaan soo xusheen.

Dhamaan madaxdii kulanka ka soo qeyb Gashay ayaa qadar daqiiqada ah waxa ay tacsi u direen i tii uu kulanku socday Alaha u naxariistee marxuumad Qamar Aadan cali oo ka mid aheyd wasiiradii ku geeriyooday qaraxii 3dii Dismember ka dhacay hotelka shaamo ee magaalada muqdisho.

Kulanka maanta ayaa aqoonyaahiintii iyo salaadiintii ka soo qeyb gashay waxa ay ku dheeraadeen waxqabadka xildhibaanad Faadumo Aadan Cali oo maalintii doraad ahayd loo dhaariyay xillkii xildhibaanimo ee ay ka geeriyootay walaasheed Qamar Aden Cali.

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree