|

Laacib Talyaani ah oo ay doodi ka haysato astaanta calanka oo uu ku ciyaaray..!

Macalinka layliya Talyaaniga Marcello Lippi ayaa ku qoslay soo jeedin ahayd inuu xulkiisa ka ceeyriyo laacibka yar ee Claudio Marchisio oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus iyo Talyaaniga oo lagu haysto eedeyn ah inuu aglagaadeeyey heesta calanka iyo magaalada Roma intii ay socotay astaanta qaranka Talyaaniga kulan is kululeyn ahaa oo ay 1-1 la noqdeen dalka Switzeland ee ay deriska ka yihiin dhanka buuraha Alps.

“Marchisio waa wiil cajiib ah“ ayuu ku halqabsaday tababare Lippi isagoo markiiba hadalkiisa ku kabay “waana tusaale dhab ah oo lagu daydo, shaki baana ka qabaa inuu yiri wax la mid ah waxaas, miyaan xulka ka saaraa“ ayuu is waydiiyay isagoo isu jawaabayana wuxuu daba dhigay “oooo…! fadlan“.

Claudio Marchisio ayaa wuxuu asxaabtiisa oo ay ka mid ahaayeen Cannavaro, Gilardino iyo Iaquinta oo ay kaydka wada ahaayeen uu la taagnaa khadka ama xariiqa (touchline) kala qaybiya inta cagaaran ee lagu ciyaaro iyo garoonka intiisa kale kuwaasoo qosol la daatey markii uu sheegay erayga “gefka“ ah sida la yiri kaasoo lagu tibaaxay “Roma Ladrona“ oo af Soomaali ku noqoneysa “Tuugada Roma“ laakiin ragii la joogey ayaa ku doodaya inuu kaliya erayga ku mergadey oo uu 2 jeer soo celiyay magaca “Roma“.

Erayga Roma Ladrona ayaa badiyaa loo adeegsadaa duurxulka baarlamanka Talyaaniga ee magaalada Roma, iyadoo ay iminka u muuqato in xaaladda la siyaasadeeynayo.
“Waa inaanu hellaa cadeyn muujineysa inaan hadal aabi ah loola bareerin heesta astaanta qaranka ama Roma, ama hadii kale waa inuu raalli gelin toos ah bixiyaa“ ayuu yiri xildhibaan Paolo Cento oo ay caro ka muuqatey, isagoo kuna baaqay in wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Roberto Maroni uu arinta soo farageliyo.

Si kastabase laacib Claudio Marchisio ayaa laftiisu gaashaanka u dhigey inuu sheegay hadalka laga sheegay ee doodda kiciyay isagoo ku qiil sameeystay inuu ka yara dib dhacay hab la dhicii kooxdii garaaceysey muusiga astaan qaranka taasoo keentay in loo maleeyo inuu wax kale ku heesayay, waxaana taa ku raacsan kabtanka xulka Azzuri Fabio Cannavaro oo Talyaaniga ku tilmaamay wadan lagu qoslo sidoo kalana ka gaabsaday inuu ka hadlo war kasoo yeeray Roberto Calderoli oo ah wasiir jaga la’aan ah balse ka tirsan golaha wasiirada Talyaaniga oo keenay hindise ah in gunooyinka laga dhimo Xulka Talyaaniga mar ay waydiisay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA.

Dooddan ayaa u muuqata mid sii socon doonto maalmaha soo aadan oo muddo lagu shaahi doono iyadoo ay shaki la’aan tahay inay soo bixi doonaan kooxo badan oo baraxa ka badin doona ama karaar dhaafin doona googaa cadalaysigan ku saabsan wax uu dhabtii yiri Marchisio iyo wixii uu ula jeedey intaba.

Waxaa isku Duwey:- Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto Koronto;.
maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree