HornAfrik

Wadahadlo lagu furayo wadooyinka suuqa bakaaraha gala oo Muqdisho ka socda.
Shirar isdaba joog ah ayaa ka socda labada qaybood ee magaalada Muqdisho kuwaas oo looga arinsanayo sidii wadooyin loogu furi lahaa suuqa wayn ee Bakaaraha oo go,doonsanaa muddo ku dhaw labo bilood kadib markii ay ka dhaceen wadooyinka soo gala dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamadda dawladda oo ay taageerayaan kuwa AMISOM iyo xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Shirarka ayaa u dhexeeya ganacsatada iyo labada awoodood ee ku loolamaya caasimadda Muqdisho ee kala ah dawladda KMG ah iyo Xarakada Alshabaab waxaana kulamadaasi ku dhawyihiin heer gabagabo ah iyadoo mabda,iyan la isku waafaqay in la furo wadooyinka soo gala suuqa qaar kamid ah.

Qaar kamid ah ganacsatada ku lugta leh wada xaajoodyadan looga gol leeyahay in lagu furo wadooyinka soo gala suuqa Bakaaraha oo la hadlayay HornAfrik ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay furitaanka wadooyinkaasi maalmaha foodda inagu soo haysa si gawaarida xamuulka ah ee badeecaduhu ku raranyihiin ee ka soo baxa dakadda Muqdisho ay toos ugu gudbaan suuqa.

Tan iyo markii dagaalada culusi ay ka dhaceen waddada warshadaha bishii febraayo ayaa waxaa istaagay dhamaan gaadiidkii xamuulka ahaa iyo kii dadwaynahaba iney galaan suuqa Bakaaraha taasoo xanibaad ku keentay hawlahii suuqa waxaana waqtigaa wixii ka danbeeyay isa soo tarayay baaqyada dhinacyada isku haya magaalada looga dalbanayay in wadooyinka suuqa gala la furro.

Xukuumadda oo si adag uga hortimid ka qaybgalka afhayeenka baarlamanka ee kulanka Nairobi.
La taliyaha warfaafinta ee ra,isul wasaaraha Soomaaliya Inj.C/raxman Cumar yariisow ayaa ku tilmaamay mid aan laga fiirsan ka qaybgalka afhayeenka baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheikh Aden kulanka wadatashiga ah ee barito lagu wado inuu ka furmo magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Mudane Yariisow ayaa carabka ku adkeeyay in shir walba ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya ay tahay inay diyaariso xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqay in maamul goboleedyadda Soomaaliya ka jira ay qayb ku leeyihiin saamiga qaybsiga awoodda ee ay ku dhisantahay dawladda KMG ah.

Xukuumadda iyo madaxtooyada dawladda KMG ah ayaa horey isaga diiday casuumaad uu u fidiyay wakiilka gaarka ah ee xogeeyaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Augistine Mahiga inakstoo casuumaad kale oo uu u keenay afhayeenka baarlamanka uu aqbalay iyadoo dhanka kale ay ku kala qaybsameen xildhibaanada baarlamanka ka qaybgalka afhayeenkooda ee shirka Nairobi.

Dawlada Libya oo qorshaynaysa inay dhalinyaro soomaaliyeed si qasaba u askarayso.
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dalka Libya ka soconayeen dagaalo iyo xaalado kacdoon oo dad badani ku waxyelobeen ayaa waxaa soo if baxaya warar naxdin xambaarsan oo sheegaya in dhalinyaro soomaaliya lagu daabulaynayo dalka Libya iyadoo la adeegsanayo diyaarado waa wayn oo ay soo kiraysteen siyaasiyiin iyo shaqsiyaad soomaaliya oo qandaraas hoosaadyo la xirtay xukuumada gabalkeedu sii dhacayo ee uu hogaaminayo Kornel Qadaadi.

Wararka isasoo taraya  ee aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho soo gaareen rag muqalisiina(Brokers) oo ka hawl galaya Hotelo ku yaala qeybaha ay dawladda ku meelgaarkaa ka arimiso ee magaalada Muqdisho, ragaas muqalisiintaa ayaa waxay ku andacoonayaan inay barnaamijyo dhoof ah u hayaan dhalinyarada soomaaliyeed, barnaamijyadaas oo laga soo xiray dalka Libya oo ku kacaya aduun gaaraya 2000$, sida ay sheegayaan qofku markuu lacagtaas dhiibo waxaa diyaarad laga saarayaa magaalada Muqdisho waxaana laga dajinayaa magaalada Tribuli ee caasimada dalka libya, markuu qofku diyaarada ka dago waxaa Airboorka ku sugaya rag kale oo ka bacdi usii gudbinaya Markab kusii jeeda dhinaca Europe, waa sida ay dadka u sheegayaane.

Hadaba, waxaan iska cad in rag siyaasiyiin soomaali ah oo xariir hoose la leh dawlada Libya ay qandaraasyo ku soo qaateen sidii dhalinyaro soomaaliyeed loogu daabulayn lahaa dalka libya si ay ugu dagaalamaan dawladda diktaatoorigaa ee uu hogaamiyo Kornel Qadaafi, iyagoo dhalinyaradaas sida muuqada la doonayo si qasab ah inay ugu dagaalamaan dawlada Libya mar hadii ay Libya cagta saaraan.

Waxaa xusid mudan sidooo kale,in sida muuqata ay AMISOM arrintaan fududaynayso maadaama Dawladda Libya ay xariir wanaagsan la leedahay Dawladaha Uganda iyo Brundi, iyadoo waliba la wada ogyahay in Kornel Qadaafi iyo Madaxweyne Museveni ay yihiin saaxiibo aad iskugu dhaw, iyadoo dawladda Libya ay malaayiin Doller ku maalgelisay mashaariic badan dalka uganda gudihiisa.

Hadaba waxaa looga baahanyahay warbaahinta soomaalida inay dhalinyarada soomaaliyeed arrintaan uga digaan qatarta ay xambaarsantahay , iyo waliba sumcad xumida uga imaan karta umada soomaaliyeed arrintaan foosha xun hadii qorshahaan guracan ay raga wata ay ku guulaystaan.

Hambalyo! Hambalyo! Kow iyo toban guurada aasaaska HornAfrik.
Maamulka,Wariyayaasha,iyo Shaqaalaha shirkada warbaahinta HornAfrik waxa ay hambalyo leeyihiin dhagaystayaasha,dawadayaasha, inta bogeeda akhrista,iyo shacabka soomaaliyeed dabaal dega sanadguurada 11aad ee ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay shirkada warbaahinta ee HornAfrik oo ku beegnayd 12 Dec.1999kii.

Xsibul Islam oo dagaal kula wareegay Buur Hakaba.
Wararka laga helayo magaalada Buur Hakaba ee gobolka Bay ayaa ku waramaya in ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan ururka Xisbul Islam ay saaka dagaal kula wareegeen magaalada Buur Hakaba.

Dagaalka oo bilowday abaare todobadii iyo barkii subaxnimo ayaa la isu adeegsaday hub aad u culus iyadoo gudaha iyo daafaha magaalada laga maqlayay hubka ay isku ridayaan labada dhinac,iyadoo aakhirkii ciidamada ururka Xisbul Islam ay kala wareegeen magaalada Buur ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida ay ilo madaxbanaan u xaqiijiyeen HornAfrik.

Khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay dagaalku inkastoo aan si cad aan loo sheegi karin khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dagaal kula wareegeen maagalada Buur Hakaba oo ay horey u maamulyeen Xisbul Islam taas oo keentay inay maanta mar kale soo rogaal celiyaan.

Xaalada ayaa hada dagan magaalada iyadoo laga cabsi qabo inuu mar kale dagaal bilowdo iyadoo ay jiraan gurmadyo Shabaabka ah oo ka kala baxay Sh/hoose iyo Baydhabo.

Socod lagu waynaynayo todobaadka xuquuqda aadamaha oo ka dhacay Kampala.
Iyadoo la soo gabagabeeyay todobaadkii  xuquuqda Aadanaha caalamka ayaa  socod dheer oo ay sameeyeen dad  u badnaa  masuuliyiin iyo dhalinyaro watay boorar, funaado iyo koofiyado ay  ku qoran yihiin  qoraalo qeexayo arrimo xuquuda Aadanadaha iyo kooxda Banbeeyda  ayaa ka bilaabamay waddada  (Buganda Road) ilaa garoonka Rugby  Club ee  Jaamacadda Makareeri ee magaalada kampala ee dalka Uganda.

Munaasabadda socodkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda difaacayaasha  xuquuqdahanaha Aadanaha  Bariga iyo Geeska Afrika  ayaa si weyn loogu muujiyey muhiimadda xuquuqul Isaanka, iyadoo goroonka Rugby Club lagu soo bandhigay bandhig faneedyo lagaga hadlayey ahmiyadda maalintani ay  u leedahay bulsha weynta caalamka.

Carole Mugabo oo ah kaaliyaha Hay’adda difaacayaasha  xuquuqdahanaha Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika   qeybteeda u  ololeysa  xuquuqda Aadanaha oo kaashanaysa Hay’adda   xuquuda waxbarashada  ee Afrika  ayaa sheegtay in socdalkani uu ahaa  mid lagu weynaynayo arrimaha xuquuqda Aadanaha, islamarkaana todobadka lagu xusayo xuquuqul Insaanka uu soo gabageeboobi doono 13-ka bishan  December.

Miss. Carole waxay intaas ku dartay in Hay’adda difaacayaasha  xuquuqdahanaha Aadanaha  Bariga iyo Geeska Afrika ay xoogga saari doonto  waxka qabashada tacatiyada   ka dhanka ah xuquuqda Insaanka islamarkaana ay jiraan hay’ado diwaan geliya kuwa geysta tacadiyada.

Socdaalkan lagu weynaynay todobaadka xuquuqda Aadanaha  oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda difaacayaasha  xuquuqdahanaha Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika   ayaa waxaa ka soo qeybglay Hay’ado dhowr ah oo iyana dhinacooda ka hadlay  ahmiyadda  xuquuqda  Aadanaha.

Todobadka lagu xusayo xuquuqul Insaanka  ayaa  ku soo beegmay xilli dalka Soomaaliya ay ka jiraan  tacadiyo ka dhan ah xuquuqul Insaanka  oo maalin kasta loo geeysato dadka rayidka ah gaar ahaan birimageydada.

1948 ayey ahayda markii Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Q/Midoobay looga dhawaaqay magaalada New-York  ee  xarunta u ah Q/Midoobay ee dalka Mareykanka.

Kulanka todobaadka xuquuqda aadamaha oo ka socda Kampala.
kulankii  maanta lagu qabaty hoteelka Afrikaana  ee  magaalada Kampala, ayaa looga hadlay sidii  sare loogu qaadi lahaa ilaalinta xaquuqda Aadanaha Qarnigan 21-aad iyo soo bandhigidda  taknoolijiyada  casriga   ee isgaarsiinta caalamka  oo ku aaddan  u ololeynta xuquuqda aadanaha.

Kullankan oo ay  ka soo qeybgaleen hay’ado ka socda caalamka sida UN-ka, AU-da, madax ka tirsan dowladda Uganda, bulshada rayidka iyo difaacayaasha xuquuqda Aadanaha  oo ay  ka mid tahay hay’adda  difaacayaasha  xuquuqda Aadanaha  dalalka Bariga iyo Geeska Afrika.

Hay’adihii waxqabadkooda ku soo bandhigay halkaas oo aad  loogu riyaaqay  ayaa waxaa ka mid ahaa  hay’adda difaacayaasha  xuquuqda Aadanaha  dalalka Bariga iyo Geeska Afrika ee fadhigeedu yahay magaalada Kampala, iyagoo halkaas ku soo bandhigay buugaag ka hadlayey  dhowridda xuquuda Aadanaha.

Isbahaysiga caalimag ah  ee ilaalinta masuuliyadda   oo marka la soo gaabeyo loo yaqaanoo ( ICRtoP)  ayaa  Saraakiilada u qaabilsan xagga  cilmi baariista Marion Arnaud iyo Ms. Nabiryi Justine  oo iyana ka socodtay hay’adda (HURINET) iyo masuuliyiin kale  ayaa waxay sheegeen in caalamku uu sii laba jibaaro ilaalinta xuquuqda aadanaha islamarkaana  uu joojiyo dhibaatooyinka baaxadda leh  oo laga galayo dadka rayidka ah sida xasuuqa, gumadka ka dhacay  waddamada Armenia, Bosnia, Ruwada iyo dabiyada ka dhanka Aadanaha ee ka dhacay Cambodia,  Kosovo, East-Timore iyo Dafur inkastoo  hogaamiyaasha dunida ay balan qaadeen ilaalinta  shacabka  sanadkii 2005 shir ay ku  yeesheen Qaramada Midoobay, taasoo loogu magac daray masuuliyadda ilaalinta iyo dhisidda hay’ado ka shaqeeya ilaalinta  iyo xuquuqda Aadanaha   iyo xoriyadda.

Todobaadka xuquuqda Aadanaha  oo bilaawday saddexdii bishan December ayaa  soconaya ilaa  10-ka bishan, iyadoo 13-ka bishan lagu soo bandhigayo  national theatre-ka dalka  Uganda filim loogu magac dary (Jooji midab kala takoorka).

Saddexdii bishan December ayey hayad markii gudoomiyaha isku xirka difaacayaasha    xuquuda dalalka  Afrika  Xasan Shire Sheekh  uu shir jaraa’id  ku daah furay todobaadka xuquuqda Aadanaha, iyadoo 1948-dii looga dhawaaqay magaalad Newyork  ee xarunta Qaramada Midoobay.

Ra,isul wasaare Farmaajo oo hordhigay qorshihiisa baarlamanka.
Ra,isul wasaaraha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed C/lahi Maxamed oo loo yaqaanno Farmaajo ayaa maanta qorshihiisa wax qabad hor dhigay mudanayaasha baarlamanka KMG ah oo maanta kulan ku yeeshay guriga umadda ee magaalada Muqdisho.

Ra,isul wasaare Farmaajo ayaa ugu horeyntii qorshihiisa ku soo bandhigay sida uu wax uga qabanayo dhinaca amaanka isagoo tilmaamay in si deg deg ah ay nabadii iyo kala danbayntii ugu soo celinayaan caasimada iyagoo u gudabaya gobolada dalka ee mucaaradku gacanta ku hayo.

Farmaajo ayaa dhinaca kale qorshihiisa ku soo bandhigay inuu dawladiisa kala dagaalami doono musuqmaasuqa hareeyay hay,adaha dawladda isagoo sheegay inuu tix galin siin doono hanaanka dawlad wanaaga.

Intii u socday fadhiga baarlamanka ee ay ku dhagaysanayeen mudanayaashu qorshaha xukuumada cusub ayay ku buuqeen ra,isul wasee ku xigeenka Maxamed c/lahi omaar oo isku dayay markii hore inuu isagu akhriyo qorshaha xukuumada balse markii ay xildhibaanadu ka biyo diideen ayuu ra,islu wasaaruhu akhriyay.

Ugu danbayntii afhayeenka baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Adem ayaa soo xiray kulanka isagoo ka codsaday inay mudanayaashu soo akhristaan qorshaha xukuumada isla markaana fadhiga la isugu soo laabto maalinta barito ah si ay uga doodaan maalmaha xigana loo ansixiyo.

Ra’iisal wasaare Formajo oo magacaabay wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowleyaal
Ra’iisal  wasaaraha KMG ee soomaaliya Maxamed C/laahi Formajo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa uu magacaabay xubno cusub oo ka mid noqondoona golihiisa wasiirada kuwaasi oo isugu jira wasiir ku xigeeno iyo wasiiru doowleyaal waana kuwan magacyada xubnahan cusub

01-	Mudane Xaji Cali Sheikh Maxamed Nuur	Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta, iyo Awqaafta

02-	Mudane Cumar Shiikh Cali Idris	Wasaaradda Arrimaha Dibadda

03-	Mudane Ibrahim Isaaq -Yarow	Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

04-	Mudane Mukhtaar Shiikh Shuute Shiikh Cali Maye	Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta

05-	Mudane Daauud Cabdikariim Xaaji –Cumar	Wasaaradda Gaashaandhiga

06-	Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen	Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga

07-	Mudane Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey)	Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, iyo Isgaarsiintan

08-	Mudane Maxamed Cali Shire	Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

09-	Mudane Cabdirashid Maxamed Xidig	Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Shaqada, Homumarinta Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Isboortiga

10-	Mudane Cabdi Cali Maxamud (Riyaraac)	Wasaaradda Howlaha Guud  iyo Dib-Udhiska

11-	Mudane Xasan Yacquub Geescade	Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

12-	Mudane Cabdullahi Abokor Jaamac (Gardowe)	Wasaaradda Kaluumaysiga, Bayada,  iyo Khayraadka Badda

13-	Mudane Cabdulqaadir Haji Maxamed Suldan Lugadheere	Wasaaradda Dakadaha, Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka

14-	Mudane Siciid Maxamed Jimcaale	Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta

15-	Mudane Cabdiraxmaan Yusuf Faarax (Dujana)	Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka.

16-	Mudane Faisal Cumar -Guuleed	Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta Sare

17-	Marwo Faduma Xasan Cali	Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

18-	Mudane Cisman Libaax Ibraahim	Wasaaradda  Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

Magacaabis wasiirudawlayaasha Xukuumadda Federaalka KMG

01-       Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha  Xafiiska Raisulwasaaraha.

02-       Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Madaxtooyada.

03-       Mudane Maxamed Cali Xaamud Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda

04-       Mudane Maxamed Xasan Aadan Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda  Maaliyadda & Lacagta.

05-       Mudane Maxmed Cabdi Abtidoon Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

06-       Mudane Axmed Cali Yaqle waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

07-       Mudane Maxamed Cali Xagaa Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga, Bey’adda & Kheyraadka Badda.

08-       Mudane Cabdirashid Xaaji Deerow Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka badda, circa & Dhulka.

09-       Mudane  Dr. Maxamuud Shiikh Xasan Akhi Waxaa loo magacaabay Wasiirudawlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Shir looga hadlayay waxbarashada dhalaanka soomalida ee Sweden oo lagu qabtay Gothenburg..!
Waxaa magaalada Gothenburg gaar ahaan agagaarka Svingeln oo baalka ku haya faras magaalaha Göteborg xalaytoole lagu qabtay siminaar lagu eegayay dhibaatooyinka dhalaanka Soomaaliyeed ka haysta waxbarashada dalkan guud ahaan gaar ahaan galbeedka Sweden oo ay macalimiintu hoosta ka xariiqeen in ay Soomaalidu yihiin kuwa ugu liita celcelis ahaan marka loo eego ugu yaraan dadka kale ee ajnabiga ah ee halkan ku nool.

Waxaa Siminaarkan oo ay isku soo duba rideen ilaa dhowr urur oo laga xusi karo Ururka Isbahaysiga Umadda Soomaaliyeed, Ururka Isutagga Ardayda iyo ururo kale oo ay kala metelayeen rag laga xusi karo Ibraahin Qalinle iyo Axmed Dayib sida ay u kala horeeyaan, warar isugu jira wacaale iyo hoga tusaaleyn ayaa waxaa ka jeediyey dad kala duwan oo ay ka mid ahaayeen macalimiin Soomaali ah oo wax ka dhiga iskuullada maxalliga ah ee magaalada Gothenburg.

Ismaaciil Firimbi oo macalimiintaasi ka mid ah ayaa ugu horeeyntii ka hadlay dhaliil soo noqnoqtay oo loo jeediyay waalidiinta ardayda Soomaalida oo in badan la sheegay in wax laga saari karo habacsanaanta caruurtooda ka haysata inay asaagood si saaxi ah ula jaan qaadaan, isagoo ku taliyay in hadii uu tusaale ahaan macalinku ardayga dacweeyo aan uun la iska oran ”waa cunsuri iyo waa macalin khasiis ah” ee si hoose loo dhugto waxa uu ka dacwoonayo iyo in sidoo kale ardayga lagu dhiiriyo inuu barto waxa uu isagu jecelyahay ee aan waalidku ilmihiisa cadaadis ku saarin inuu barto waxa ay waalidiintu jecelyihiin.

Ustaad Cali Ducaale oo isna goobta ka jeediyay erayo wacyi gelin iyo ogeysiis ah dhowr marna hadalka u joojiyay qiira heysey darteed ayaa ka deeyriyey la socod la’aanta waalidiinta ee howlaha ay ilmohoodu ku foogan yihiin kuwaasoo in badan oo katirsani ay kabdhood ama baylah u noqdaan dad aan wanaagsaneyn oo khaasatan gabdhaha yar yar jidka toosan ka lumiya, isagoo ku baaqay in waalidiintu ay la yimaaddaan jadwal wax ku ool ah oo loo qaybiyo iskuulka, guriga iyo shaqada.

Wuxuu kaloo soo hadal qaaday inay aanay waalidiintu inta badan wax wayn kasoo qaadin warbixinta ku lifaaqan bandhiga ardayga ee sanad dugsiyeedka oo hadii la yiraahdo ilmahaagu waxay ku liitaan maado hebel ay waalidku iska dhegeystaan oo qura deetana ay halkaa uga dhaqaaqaan taasoo meesha ka saareysa inuu ardaygu helo kaalmadii uu u baahnaa si uu uga kabto naaquska halkaa ka haysta.

Wuxuuna ugu dambeyntii muujiyay sida ay muhim u tahay in ilmaha la maalgeliyo maadaama xoolo iyo aduun la tabcaa aanay waxba tareynin hadii aanad qofba meesha ku haynin oo ay ilmahaagii waxbarashadii sagsaageen ama ay dulloobeen, hadii aan wax laga bedelin dhaqamada iminka jira ee lagu wajaho caruurtaasi ayuu sheegay in aanu ogeyn sabab loo naawilo mustaqbal ifaya, waxayna macalimiintu aad u booriyeen in caruurta marka hore laga dhiso luuqadda hooyo iyadoo ay Sweden ka mid tahay dalka ugu horeeya dalalka ay Soomaaliyi usoo firdhatay marka ay timaado miisaaniyadda ay ku bixiso inay imuhu bartaan afkooda hooyo iyagoo sheegay in waalidiinta qaarkood aanay fahamsaneyn muhiimada afka hooyo oo hadii aanad iyada aqoonin aanad mid kale iyo cilmi toona baran karin.

Waxaa sidoo kale goobtii madasha cashar ku saabsan sharciga dalkan Sweden ee dhanka dembiyada ka jeediyay Ulf Boström oo ka tirsan Boliiska Gothenburg gaar ahaan waaxda isdhexgalka ee Integrationsgruppen oo sheegay in aanu jirin qof xumaan ku dhashay sidaa darteed loo baahan yahay inay saameynta waalidku noqoto mid had iyo jeer hagaagsan waayo hadii uu ilmuhu kusoo barbaaro qoys uu cunfi iyo gacan ka hadal ka dhex taagan yahay isna uu dhaxlayo noloshaa guracan, waana dabcan isla eg sahlan hadii uu tusaale ahaan waalidka ilmuhu tuug yahay way sahlan tahay inuu ilmuhuna tuugoobo sidaa darteed waxaa haboon in ilmaha loo toosiyo saanqaadka hore.

Ugu dambeyntii waxaa uu jawigii kulanku ku idlaaday qaab heer sare ah iyadoo la isla gartay in la joogteeyo kulamada noocan ah ee ka warqabka iyo ka tala celinta arimaha aasaasiga u ah beesha Soomaaliyeed iyadoo weliba laga dhegeysanayo dadka ehelka u ah, waxaa sidoo kale goobta laga sheegay inuu dhici doono isu soo bax aan rabshad ku dhisneeyn oo Jimcaha soo aadan lagu qaban doono Götapalatsen oo aan sidaa uga fogeyn faras magaalaha Gothenburg si cabasho looga muujiyo waxyaabo ay ugu waawayn yihiin qoysaska kala irdheysan ee dacwaddii lagu adkeeyey iyo diidmada jinsiyadda Soomaaliyeed iyo warqadihii cadeeyn lahaa kaasoo khudbada kadib 12-ka bishan saacadu marka ay tahay 2:00 duhurnimo dhici doona hadii uu Alle ogolaado.

Waxaa diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden